3231 Views

Sargaal ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda oo Afgooye lagu dilay

Sargaal ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda oo Afgooye lagu dilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 11  November 2017 –Koox Bastoolado watay ayaa Xalay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ku dilay sargaal Sare oo ka tirsan Ciidamada nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya,waxaana la sheegay in Dilka ka dib ay Goobta ka baxsadeen Kooxdii Dilka geysatay.

Howlgal ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya Xalay illaa Saakay  ka sameeyeen Gudaha Degmada Afgooye ayey ku soo qab qabteen Tiro Dhalinyaro ah oo looga shaki sanan yahayin ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Dadka lagu qab qabtay Howlgalka ka dhacay Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa lagu hayaa xarumaha Ciidamada ,kuwaas oo baaritaano lagu wado.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment