2499 Views

Wasiirro ka tirsan Xukumadda Soomaaliya oo la sheegay in ay iibsadeen Shahaadooyin Been abuur ah

Wasiirro ka tirsan Xukumadda Soomaaliya oo la sheegay in ay iibsadeen Shahaadooyin Been abuur ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 11  November 2017 –War kooban oo lagy qoray Wargeyska Newvision ee kasoo baxa dalka Uganda waxaa albaabada la iskugu laabay jaamacadda Stafford oo ku taala magaalada Kampala kadib markii lagu helay inay shahaadooyin been abuur ah ka iibiyeen xubno ka tirsan wasiiradda Soomaaliya.

Bogga twiterka ee wargayska New Vision waxaa lagu sheegay in hadda xubno ka tirsan hay’adda dambi baarista CID,da Uganda ay su’aalo weydiinayaan maamulka jaamacadda Stafford oo lagu eedeeyay inay iyagu sabab u ahaayeen inay shahaadooyin been abuur ah Soomaaliya usoo direen.

Maamulka jaamacadda la xiray waxaa lagu eedeeyay inay 79 shahaado oo been abuur ah usoo direen Soomaaliya ayagoo siiyay mas’uuliyiin wasiiro ay ku jiraan kuwaasoo loo soo marsiiyay mid ka mid ah jaamacadaha Muqdisho ku yaala waxaana shahaadooyinkaas loo soo marsiiyay mid ka mid shirkadaha boostooyinka ee Muqdisho ka shaqeeya.

Mas’uuliyiin ka kala tirsan jaamacadda la xiray ee Uganda ku taala iyo tan Muqdisho ku taala ayaa dhawr mar is dhaafsaday qoraalo ay ku cadaynayaaan inay shahaadooyinkaas isku dhaafsanayaan.

Tiradda iyo magacyadda wasiiradda Soomaalida ah ee shahaadooyinka been abuurka ah laga iibiyay laguma shaacin warkaan.

 

Xigasho- New Vision

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment