2910 Views

Ciidamada Ammaanka oo bilaabay in ay Baaritaan ku sameeyaan Ciidamada AMISOM

Ciidamada Ammaanka oo bilaabay in ay Baaritaan ku sameeyaan Ciidamada AMISOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 12  November 2017 –Waxay ahaayeen Kolonyo Gaadiidka AMISOM, waxaa ay doonayeen in ay Maraan inta u dhexeysa Isgooysyada Tiyaatarka iyo kan Sayidka, Waxaa hor istaagay Askari Milatari ah oo ka mid ah ilaalada Madaxtooyada, waxaa uu soo dajiyay Wadaha Gaarigii ugu soo horeeyay, waxuuna weydiiyay Aqoonsi iyo in uu is cadeeyo! Markii la hubsaday in ay yihiin gaadiid sax ah oo Amisom ay leedahayna Waa la sii daayay.

Sheekada ah in la hubiyo Gaadiidka Amisom waa Arin ku cusub Baraha Koontaroolada Dowladda ee Magaalada Muqdisho, balse tan waxa ay daba socotaa Tuhun iyo Hadal heyn ka jirta Magaalada gudeheeda oo ah in Dagaalamayaadha Shabaab ay weerar u adeegsan doonaan Gaadiid wata Calaamada (AU) oo ay Amisom ku howlgalaan.

Cabsida Weerarada Shabaabka ayaa sii korortay kadib markii la xaqiiyay in Dagaalamayaashu gacanta ku dhigeen Gaadiid Dagaal oo Dowladda iyo Amisomba ay leeyihii

W/Q:-C/Laahi Suldaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment