3264 Views

Dagaal Iminka Ka Soconaya Guri Ku Dhaw Godka Jilicoow

Dagaal Iminka Ka Soconaya Guri Ku Dhaw Godka Jilicoow
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 12  November 2017 –Nin sheegay in uu yahay Gaashaanlle Sare Cali Cabdi Dubad ayaa u sheegay Qaranimo Online  in Gurigiisa oo ku yaalla Godka jilow ee Magaalada Muqdisho weerar lagu qaaday isaga.

Waxaa uu sheegay in 28kii October uu gacanta ku dhigay 3 Al-shabaab ah oo weerartay Hotelka Naasahablood 2,kaddibna wiilkiisa la xiray.

Waxaa uu sheegay in maanta Ciidamo ka tirsan Nabad Sugidda iyo Booliska Soomaaliya ay weerar ku qaadeen Gurigiisa oo ay doonayaan in ay isaga xiraan.

Ilaa hadda waxaa uu sheegay in mid ka mid ah ilaaladiisa uu ku dhintay dagaalka mid kalena uga dhaawacmay,waxaana uu codsaday in naftiisa la badbaadiyo.

Waxaa uu intaas ku daray in sababta ugu weyn ee lagu heysto ay tahay in uu saddex Al-shabaab ah ku wareejiyay laamaha amaanka,kuwaas oo ka mid ahaa Raggii weeraray Hotelka Naasahablood 2.

Guriga uu sheegay in lagu weeraray waxaa uu ku yaallaa meel u dhow Xarunta Nabad Sugidda Soomaaliya,waxaana ku dhegganyahay sida uu sheegay Xabsiga Godka Jilacow ee ay Nabad Sugidda gacanta ku hayaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment