2910 Views

Farmaajo oo wali raadinaya beddelkii Sanbaloolshe

Farmaajo oo wali raadinaya beddelkii Sanbaloolshe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 12  November 2017 —-Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa waxaa uu ku mashquulsan yahay shakhsigii uu keeni lahaa booskii uu dhawaan baneeyay Taliyihii Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Sanbaloolshe iyo Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliyeed, General C/xakiin Daahir Saciid (Saacid), ayaa xilalka laga xayuubiyay 29-kii bishii hore ee October, maalin ka dib weerarkii ay Shabaabku ku galeen Hotel Naasa Hablood 2 ee Magaalada Muqdisho.

Golaha Wasiirada Somaliya, ayaa si ku meel gaar ahi xilalkaasi ugu kala magacaabay Kuxigeenadii Saraakiishaasi. Booska uu baneeyay Sanbalooshe waxaa Kusime looga dhigay C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac), halka General Mukhtaar Xuseen Afrax uu sii ahaan doono Kusimaha Taliyaha Booliska.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha Somaliya uu ku kalsoon yahay in General Afrax uu ka soo bixi karo, haddiiba laga dhigo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliyeed, balse caqabadda jirtaa ay tahay, isagoo aanay weli indhahiisu qaban ninkii uu ku bedeli lahaa Sanbaloolshe.

Xafiiska Madaxweynaha Somaliya, ayaa Saraakiil hore uga yeeray dalalka dibadda, kuwaa oo maalmihii ugu dambeeyay soo gaarayay Magaalada Muqdisho, waxaana la dejiyay hoteelo amnigoodu aad loo ilaaliyo.

Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu wada tashi ku aadan, shakhsigii uu ku soo bedeli lahaa Sanbaloolshe, hadana waxaa la leeyahay xubnaha Muqdisho soo gaaray, midkoodna Madaxweynuhu lama dhacsana.

Dadka ku dhow dhow Madaxweyne Farmaajo, ayaa waxay ku sheegayan haddii aan lala yaabi lahayn in markale uu shaqada ku soo celin lahaa Sanbaloolshe, isagoo ku kalsoon in amniga uu gacan adag ku qaban karo, haddii in ku filan oo waqti ah la siiyo. Madaxweynaha waxa uu qabaa in dal sida Somaliya oo kale ah, aan xilli yar wax kasta lagu hagaajin karin.

Farmaajo marnaba ma jecleysan in Sanbaloolshe uu NISA ka taggo, hadana tallaabada shaqada looga aryay waxaa lagu macneeyay, mid ay Madaxda Qaranka isaga sii jeedinayeen shacabka, maadaama weerarkii Naasa Hablood 2 uu ku soo beegmay 14 cisho ka dib, qaraxii dadka badani ku dhinteen ee 14-kii October ka dhacay Zoobe.

Marka laga soo taggo qaraxyadii Muqdisho ka dhacay mudadii uu xilka haayay Sanbaloolshe, ayaa waxay khubarada arkayeen in Sanbaloolshe uu ka hortagey qaraxyo kaloo la doonayay in bulshada lagu dhibaateeyo, isla-markaana uu suurtageliyay in gacanta lagu soo dhigo dagaalamayaal badan oo Shabaabka ka tirsan.

Xubno ka tirsan dagaalamayaashaas waxay kol hore Saraakiisha Dembi Baarista u sheegeen in madaxda iyo askarta Shabaabku ay neceb yihiin Sanbalooshe, sababtuna ay tahay gacantiisii adkeyd.

Si kastaba ha-ahaatee Madaxweyne Farmaajo, ayaa hadda ku khasban in sida ugu dhow, uguna macquulsan uu ku soo magacaabo Taliyaha cusub ee NISA. Toddobaadkan amaba kan xigga, ayaana la hadalhaya in uu soo magacaabi doono.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment