2448 Views

Madaxweynaha Yeman Oo Baaq Loodiray

Madaxweynaha Yeman Oo Baaq Loodiray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 12  November 2017 –Dowladda sacuudiga ayaa ku wargelisay Madaxweynaha Dalka Yemen Cabdu Rabbuu Mansuur Haaddi in uusan ku laaban magaalada Koofurta Yemen ku taalla ee Cadan.

Tan iyo Bishoo February ee Sanadkan Haaddi iyo mas’uuliyiinta dowladdiisa ma aysan tagin Dalka Yemen waxaana soo baxayay in uu xabsi gur ku yahay Magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga.

hayeeshee sarkaal ka tirsan Maamulka Haaddi ayaa beeniyay in uu Xabsi gur ku jiro,waxaana uu sheegay in isaga,Carruurtiisa iyo saraakiisha maamulkiisa ay tagi karaan halkii ay doonaan xitaa dibadda aadi karaan,laakiin gudaha Yemen looga baqayo in lagu dilo.

Dhinaca Koofurta Dalka Yemen waxaa maamula Dowladda Imaaraadka Carabta iyo malleeshiyo ay taageerto,kuwaas oo xitaa diiddan in Mansuur ku laabto Cadan.

Sidoo kale waxaa jira in dalalka Imaaraadka iyo Sucuudiga isku khilaafsanyihiin maamulka Yemen maaddaama Imaaraadka maalgelin badan ku sameeyay koofurta sidoo kalena sameeyay malleeshiyo isaga taabacsan oo maamulaya dekadaha iyo Garoomada diyaaradaha.

Haaddi waxaa uu Madaxweynaha Yemen noqday Sanadkii 2012kii,kaddib amrkii uu taageero ka helay Mareykanka iyo xulafadiisa Bariga dhexe,waxaana xilka laga tuuray Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabddalla Saalx.

Ciidamada taageersan Cali Cabddalla Saalax iyo Xuutiyiinta ayaa billaabay in ay la wareegaan Waqooyiga Yemen,waxaana ka mid ah magaalada Sanca oo ay ilaa hadda heystaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment