2499 Views

Mareykanka oo sheegay in ku dhawaan 100 Al-shabab ah dileen tobaadkii la soo dhaafay

Mareykanka oo sheegay in ku dhawaan 100 Al-shabab ah dileen tobaadkii la soo dhaafay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 12  November 2017 –Ku dhowaad 100 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, ayaa lagu dilay weerarro isdaba-joog ah oo  todobaadkaan ka dhacay gudaha Soomaaliya sida sheegeen Mas’uuliyiin Mareykan ah.

Samantha Reho oo ah Afhayeen u hadashay Taliska Mareykanka ayaa sheegtay Weerararo dhacay sabtidii iyo Jimicihii lala beegsaday xubno muhiim oo ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa ay sheegtay in howlgalladii ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeelaha dhexe Al-Shabaab lagu gaarsiiyay Khasaare ballaaran,islamarkaana la beegsaday goobo ay ku shirsanaayeen.

“Howlgallo dhacay 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaan ku  dilnay ku dhawaad boqol dagaallame oo Shabaab ka tirsan” ayaa lagu  sheegay war kasoo baxay mareykanka.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay  sheegtay in howlgal ay ciidankeeda amnigu ay sameeyeen lagu dilay xubno ka tirsan Xarakad al-Shabaab, sidoo kalena lagu burburiya xero ay al-Shabaab ku leeyihiin degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda Soomaaliya Cabdriaxmaan Yariisow ayaa ayaa sheegay in Weerar qorshaysan oo hay’adaha amniga ay ka fuliyeen Degmada Jilib gaar ahaan xarunta qaraxyada lagu dilay dagaalamayaal Al-Shabaab ah, isla markaana lagu burburiyay tiro baabuurta dagaalka iyo waliba hubka culus.

Afhayeenka Ciidamada Xarakada Al Shabaab, C/casiis Abuu Muscab oo ka jawaabayay hadalka Wasiir Yariisow, ayaa waxa uu ku sheegay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment