3603 Views

Marykanka Oo War Kasoosaaray Bixintaanka AMISOM Ee Soomaaliya

Marykanka Oo War Kasoosaaray Bixintaanka AMISOM Ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 12  November 2017 –Dowladda Mareykanka ayaa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ka codsatay in ay baaqi ku sii ahaadaan Soomaaliya isaga oo ballan qaaday bixinta taageerada AMISOM ee Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in aragixisanimada Soomaaliya ay sii kordhi karto haddii ay baxaan Ciidamada AMISOM iyada oo weerarrada Al-shabaab ee Soomaaliya ay kordheen bilihii la soo dhaafay.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ansixiyay in 1,000 Askari oo ah qeybta 2aad ay ka baxaan Soomaaliya bisha May ee soo socota,iyada oo sababta ugu badan ay tahay dhaqaalaha.

AMISOM,waxaa ay dalbatay 8,000 oo Askari oo dheeraad ah taas oo tirada Ciidanka AMISOM ka dhigeysa 29,000 oo Askari,waxaana ay doonayaan in ay gacanta ku dhigaan dhulka ay maamulaan Al-shabaab,laakiin dowladaha Ciidamada ku yaboohay Soomaaliya kama jawaabin dalabkaas.

Wohlers Marion,oo ah Sarkaalka Xafiiska arrimaha dibadda ee wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa u sheegay Wargeyska The East African in Mareykanka uusan rumeysneyn in Ciidamada AMISOM qeybta ugu horreysa ay Soomaaliya ka baxayaan Bisha soo socota,waxaase uu beddelkeedu sheegay in Mareykanka uu diyaar la yahay taageerada tababarrada,qalabeynta,farsamada iyo latalinta dhinaca amaanka ah si loo xoojiyo Ciidamada Soomaaliya.

“ma taageereyno in Ciidamada AMISOM ay baxaan hadda,iyada oo xaaladda amni xumada Soomaaliya ay sii kordheyso,waxaan dooneynaa in la taageero Ciidamada Soomaaliya ilaa ay awood uga yeeshaan la wareegidda amaanka dalkooda”,ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wohlers Marion.

Sida ku xusan jaantuska Golaha amaanka ee bixitaanka Ciidamada AMISOM,waxaa ay 1,000 ugu horreeya bixi doonaan Bisha soo socota,waxaa raaci doona 1,000 kale oo baxaya Bisha May ee 2018,waxaana ay dhamaan doonaan Sanadka 2020ka.

Iyada oo AMISOM ay heleyso taageero farsamo,qalab iyo tababar ayaa Midowga Yurub waxaa ay  Midowga Afrika weydiisteen in ay dhaqaale ahaan is debberaan,dhaqaalihii Sanadlaha ahaa ee Midowga Yurub ee AMISOM oo ahaa $200milyan ayaa laga dhigay $160Milyan,taas oo ka dhigan in la dhimay 20%.

Howlaha AMISOM ku jira diiwaankooda si ay ugu baxaan Soomaaliya waxaa ka mid ah in ay tababaraan 30,000 Askar Soomaali ah,sidoo kalena qalabeeyaan si ay ugala wareegaan amniga Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment