3387 Views

Sawiro:-Dibu dhis Lagu Sameeyey Saldhiga Booliiska Ee Dagmada Hodan Ee G/Banaadir

Sawiro:-Dibu dhis Lagu Sameeyey Saldhiga Booliiska Ee Dagmada Hodan Ee G/Banaadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 12  November 2017 –Bur burkii Dalka ku dhacay Waxii ka dambeeyay  Sanadkii 1991 oo ay meesha ka baxday Dowladdii dhexe ee uu majaraha u hayay Generaal Maxamed Siyaad Barre ayaa meesha waxaa ka baxay goobihii loogu adeegi jiray Bulshada Soomaaliyeed sida” Saldhigya Ciidmada Ciidamada Booliska, Xaruumaha Caafimaad ee Dowladda,Ceelashada iyo kuwo kale.

Hasa-yeeshee  hada ayaa waxaa socda didaalo lagu soo celinayo Bilicda iyo dibu-dhiska Goobihii loogu adeegi jiray Bulshada Soomaaliyeed sida Saldhigyada.

Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan C/fitaax Bashiir Cali Mire oo kaashanaya Bulshada ayaa Dibu- dhis xooggan ku Sameeyay Saldhiga Degmada Hodan oo ka mid ahaa Goobihii ay samaynta ku yeelatay Bur burkii Dalka.

Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan C/fitaax Bashiir Cali Mire oo saldhiga loo magacaabay 5-1-2017 ee Sanadkaan ayaa sheegay in asagoo kaashanaaya Bulshada deegaanka ay u suuro gashay Dibu dhiska Saldhiga Degmada si loogu adeego Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaana Dibudhis Xooggan lagu sameeyay qeybaha kala duwan ee Saldhiga Sida” Xaafiisyada Saldhiga, Gidaarka Ama Muuqaalka guud ee Saldhiga, qeybta Baarista iyo qaadista dacwadaha iyo qeybta Xamsiga ee lagu xiro eedaysanayaasha.

Tilaabadaan uu qaaday Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan Mudane C/fitaax Bashiir Cali Mire ayaa tusaale muuqda u ah in Bulshada Soomaaliyeed ay dhisan karaan Dalkooda haddii ay fahmaan in Dalka anan lagu dhisi karin deeq ama Kaalmo laga sugo Gacmo shisheeye.

 

x x1 x2 x4 x7

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment