3132 Views

Al-shabaab oo la sheegay in dhoofinta Dhuxusha ay ka helaan malaayiin Dollar

Al-shabaab oo la sheegay in dhoofinta Dhuxusha ay ka helaan malaayiin Dollar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 13 November 2017 — Howlka Midowga Africa ee AMISOM ayaa ku guul dareeystay in ay Dhaqan galiyaan Dhoofinta dhuxusha ee Laga Mamnuucay Al-shabaab, sidaas waxaa lagu sheegay Warbixin ay soo saareen Kooxda kormeerka QM ee monitoring Group.

Al-shabaab waxaa ay Sanadkasta ka helaan Dhoofinta dhuxusha 10 million oo Doollar Sanadkasta, waxayna Dhuxusha ka dhoofiyaan Dakado ku yaalla koofurta Soomaaliya oo ay ku suganyihiin ciidamadda Kenya.

“Ciidamadda AMISOM ee Kenya ka yimid ee la geeyay Dakadaha Kismaayo iyo Buur-Gaabo Dowladda Soomaaliya kama aysan Caawin dhaqangalinta Mamnuucista dhoofinta Al-shabaab, mana u fududeeyn  Kooxda Monitoring group in ay Dakadahaas Tagaan” ayaa lagu yiri Warbixinta ay soo saareen kooxda QM u qaabilsan cuneqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Dhoofinta Dhuxusha.

Mamnuucista ay Golaha Amaanka QM soo saareen Shan Sano ka hor oo aan sifiican loo dhaqan galin waxay u saamaxday Al-shabaab ay in ay Miisaanidya Lacageed helaan waxayna hoos u dhigeeysaa Howlagalka la Dagaalanka Argagixisadda” ayay Hadalkooda kusii dareen Kooxda QM.

Ma ahan Markii u horreeysay ee Kooxda la Socodka Xayiraadda saran Soomaaliya ay Ciidamadda Kenya ku eedeeyaan in ay Wax Talaabo ah ka qaadin joojinta Dhoofka Dhuxusha.

Wargeeyska Daily Nation ee kasoo Baxa Kenya ayaa daabacay in Sanadkii la soo dhaafay Sidaan oo kale Cidamadda Kenya lagu eedeeyay in ay Labo Dollar ka qaataan Jawaankiiba, Dhuxusha Sida Sharcidaradda ah looga dhoofiyo  Takadda Magaaladda Kismaayo.

Kooxda Monitoring Group oo ka hadlay hubka ay Al-shabaab Adeegsadaan ayaa Warbixinta waxaa ay ku dheeheen in Wax yaaba Qarxa ee Al-shabaab ay Soomaaliya ku sameeyaan ay ka badanyihiin kuwo Laga Sameeyo rasaasta Caadiga ah, waxay kooxdu sheegeen in Al-shabaab  ay helaan Hub si sharci darro ah loogu soo dhoofiyo Soomaliya oo laga soo dejiyo Dagaanadda puntland, waxay shegeen in hubkaasi uu ka yimaado Yamen iyo Xeebta Makran ee Iran ku Taalla

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment