2421 Views

Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug oo sheegay in madaxda Galmudug ay ka heshiiyeen khilaafkii u dhaxeeyey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug oo sheegay in madaxda Galmudug ay ka heshiiyeen khilaafkii u dhaxeeyey.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 13 November 2017 – Maxamed Xayir Nuur Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Galmudug ayaa sheegay in Madaxda Galmudug ay ka heshiiyeen Khilaafkii udhaxeeyey.

Wasiiir Maxamed ayaa sheegay Madaxweynaha Soomaaliya uu ku guulestay dib u heshiisiinta madaxda Sar sare ee Galmudug, sida Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Heshiiska ayuu ku tilmaamay in uu yahay mid 80% mid lagu guuleystay, balse waxyaabaha ka dhamin ay tahay in dib u heshiisiinta Madaxweynaha iyo Xildhibaanadii Sheegay in ay Xil ka qaadista ku sameeyeen.
Madaxweynaha Soomaaliya ayuu ugu mahad celiyey tallaabada dib u heshiisiineed uu ka dhex wada dhinacyada Galmudug ee ku kala aragti fogaaday Khilaafaadka Siyaasadeed ee soo kala dhex galay.

Xildhibaanadii Xil ka qaadista sheegay in ay ku sameeyeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Qaarkood warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xil ka qaadista Madaxweyne Xaaf ay sharci tahay, isla markaana aysan ka gor-gortami doonin.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan uu xildhibaanada Galmudug ee Xil ka qaadista ku sameeyey Madaxweynahaa Maamulkaas kula qaatay Magaalada Muqdisho, waxa uuna u bandhigay waxyaabaha ay kawada hadleen isaga iyo Xaaf.

Waxaana lagu ballamay in Kulan kale ay isugu yimaadaan Madaxweyne Farmaajo iyo Xildhibaanada Galmudug, waxaana Kulankaas la leeyahay waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlmanaanka Galmudug.

Xiisadaha Siyaasadeed ee Galmudug ayaa soo jiidameysay tan iyo dhamaadkii bishii September, oo xiligaas soo ifbaxay Khilaafka Madaxda Galmudug.

Waxa uuna Khilaafka Salka ku ahaye kadib markii Madaxweyne Xaaf uu xiligaas sheegay in uu taageersan yahay isbaheysiga Qatar ka dhanka ah, waloow Madaxweyne ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamka ay kasoo horjeesteen, kadibne Xiisadda ka dhex dhalatay ay u gudubtay Baarlamaanka Maamulkaasi.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment