2493 Views

Xildhibaanada Baarlamaanka oo ansixiyay dhismaha Guddiga la dagaalanka Musuq maasuqa

Xildhibaanada Baarlamaanka oo ansixiyay dhismaha Guddiga la dagaalanka Musuq maasuqa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 13 November 2017 – Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta meel mariyay Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga madax banaan ee la dagaalanka Musuq maasuqa, kaasoo horay u soo jeedisay Xukuumadda.

Dhismaha Guddigan ayaa gacan ka geysan doona la dagaalanka musuq maasuqa oo ah waxyaabaha ugu weyn ee ragaadiyay dowladda, isla markaana horay u jireen Kiisas musuq maasuq ay ku lug yeesheen Mas’uuliyiin, kuwaasoo aan maxkamad la soo taagin.

Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo diyaarisay Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq maasuqa, iyadoo hadii la dhiso Guddiga uu ka mid noqonayo Guddiyada madaxa banaan.

Sharcigan oo muddo ay ka doodeen Xildhibaanada ayaa waxaa ugu dambeyn maanta loo qaaday cod, iyadoo ay ansixiyeen illaa 141 Mudane, iyadoo aanay jirin cid ka aamustay.

Dhinaca kale Xildhibaanada ayaa goor sii horeysay ansixiyay Miisaaniyadda Xukuumaddii Cumar C/rashiid ee sanadihii 2015/2016, waxaana ogolaatay 141 mudane, 12 xildhibaan ayaa diiday, halka 3 ka aamustay

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment