3033 Views

Booliiska Somaliland oo xabsiga u taxaabay siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Waddani

Booliiska Somaliland oo xabsiga u taxaabay siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Waddani
____________________________________________________________________________

Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Laba sarkaal oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ee Waddani.

Saraakiisha la xidhay ayaa kala Ah madaxii ololaha ee xisbiga Waddani Xamse Khayre iyo Faadumo Siciid oo ah la taliyaha arrimaha dibada ee musharaxa madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

Faadumo Siciid ayay booliisku sheegeen in laga xiray goob ay ka socotay tirinta doorashada oo Dugsi ahayd xalley fiidkii, sidoo kale Xamse Khayre ayaa maanta lagu xidhay magaalada Gabiley.

Sarkaal saddexaad oo ka tirsan xisbigaasi ayaa la xidhay shalay markii doorashadu socotay kaasi oo ka codeynayay xarun ku taalay degmada Axmed Dhagax.

Saddex masuul ayaa habeenkii doorashada sidoo kale ciidamada booliiska Somaliland xabsiga u taxaabeen kuwaasi oo laga xidhay magaalada Ceel afweyn ee gobolka Sanaag imikana ku xidhan saldhiga Magaalada Ceerigaabo.

Laamaha amaanka Somaliland wali kama hadal xadhiga masuuliyiintaasi lixda ah ee laga xidhay xisbiga mucaaridka ee Waddani, Afhayeenka xisbigaasi Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa cambaareeyay xadhiga loo geystay masuuliyiinta ka tirsan xisbigiisa.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment