1107 Views

Gal-Mudug halaga badbaadiyo hogaamiye-kooxeedka lagu khaldamay!

Gal-Mudug  halaga badbaadiyo hogaamiye-kooxeedka lagu khaldamay!

November 14, 2017 – QOL –

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi, aqristoow Axmed Ducaale Geelle Xaaf wuxuu ahaa nin laga boqo magaalada Xamar, iyo guud ahaan koonfurta Soomaaliya. Wuxuu heystey hub culus, iyo mooryaan aad ufarabadan, kuwaasoo uu “Mukulaal-Madoow” ugu ahaa hey’ado, iyo shirkado ganacsiyoo farabadan. Wuxuu sidoo kale ku heystey Garoomo, iyo Dekedo dalku leeyahay. Wuxuu ahaa hogaamiye-kooxeed yar, iyo kaabo-mooryaan laga coowdibilleysto.Waxba yaanan kusiidheeraan maadaama in badani kadharagsan tahay arintan.

Aqristoow Gal-Mudug aadbaa loogu khaldamay markii hogaamiye-Kooxeed Xaaf loodhiibay. Waa markii labaad ee xildhibaanada maamulka eey lacag kahormarinayaan waxkastoo wanaag unoqonkara maamulkaa curdanka ah. Shalay ayey dhaqaale iyo laaluush xildhibaanada Gal-Mudug kudoorteen C/Kariin Xuseen Guuleed, oo ahaa mid kamid ah mas’uuliyiintii ugu waaweynaa ururkii Damjadiid, iskana soocasilay xil heer wasiir ahaa, oo uu kasoobixikari waayey, waloow si sharaf leh, oo aan siyaasiyiinta Soomaalida looga baran, burburka kabacdi, uu isaga casilay. Waxaa xusid mudan in mudane C/Kariin Guuleed ahaa musharixii ay wadatay dowladii dhexe markaa, taasoo uu Madaxweynaha ka ahaa mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Marka lagasootago dhaqaalaha xoogan, ee ay dowladii Damjadiid kubixisay soobixitaanka C/kariin, waxaa aad ugu xagliyey mas’uuliyiintii garwadeenkaba u ahaa dhismaha maamulka, sida: Wasiirkii horee Arimaha Gudaha & Federaalka mudane: C/Raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), iyo wasiiru-dowlihii madaxtooyada xilligaa: Mahad-Salaad. Ugu dambeyn xilka ayey xildhibaanadii GM kaqaadeen, kadib markii uu Muqdisho iska fariistay, maamulkiina kalawadiwaayey, diidma yar kadibna wuxuu sheegtay inuu isaga iscasilay.

Galmudug-StateWaxaa in badani islahaayeen duruus farabadan ayey guud ahaan dadka deegaanka Gal-Mudug, gaar ahaana Xildhibaanada maamulka, kabaran doonaan arintaa, oo markan waxeey keeni doonaan shaqsi eey kuxusheen, wax aan lacag aheyn, oo leh aqoontii, kartidii, hufnaantii, dad iyo deegaan jaceylkii, akhlaaqdii iyo nabad-doonnimadii lagu hormarinlahaa maamulkaa curdanka ah, la isuguna wadi lahaa ummadaa ku midoowday maamulkaa.

Nasiibdarro! Waxeey xildhibaanadii GM keeneen “Kadaroo dibi dhal!”. Ugu yaraan mudane: C/Kariin Guuleed taariikh wanaagsan ayuu kulahaa waxbarashada dalka burburkii kabacdi, mana aheyn-Sida Xaaf ookale-Hogaamiye-Kooxeed iyo kaaba-Mooryaan. Nasiibdarrose! Mar labaad xildhibaanadii Gal-Mudug waxeey uxisheen shilimaad, waxeeyna xildhibaanadii codka siiyey Xaaf kaqaateen, lacag xooganoo lagu sheegay in eey gaareeysey min xildhibaan $57,000. Go’aankaa aadka ukhaldanaa waxaa dadkii iyo deegaankiiba karaacay waxyaabaha soosocda:

A-ISKA QARAABTAGISTII IYO AWOOD KUQABSASHADII DOWLADA DHEXE

Xaaf meeshii laga sugayey in uu ixtiraamo Dastuurka iyo shuruucda dalka utaalla, wadatashi, midnimo iyo talo-wadaagna kula shaqeeyo madaxda maamulka ugusareeysa, ayuu nasiibdaro! Maamulkiiba boorso kuqaatay, kuna qaraab-doontay, isagoo shuruucdii dalka kutumanaya, oo Siyaasada Arimaaha Dibada, oo ay aheyd in dowlada dhexe looga dambeeyo kuqabsanaya, madaxdii maamulka lawadayna aan habayaraatee wax wadatashi ah kalasameyn. Nasiibdarro! Waxaa farta uguyeeray CCC Sharmaarke, oo ah siyaasi kasoojeeda Puntland-tan ay ka go’an tahay burburinta maamulka Gal-Mudug, waliba inta maamulka aanu cagahiisa iskutaagin, sidaa daraadeedna markaasta loo abuuro qalalaase siyaasadeed, iyo mid amni sida: In mudo markii lajoogaba lagusooqaado dagaalo qorsheeysan. CCC Sharmaarke wuxuu hogaan uyahay siyaasiyiinta sida: C/Raxmaan Cabdishakuur oo kale ah, ee ay kushaqeeysaneeyso maanta dowlada Imaaraadka Carabta, una isticmaaleeyso burburinta dowladan loowada dhanyahee, aadka ushacbiyada badan. Dhaqaale xoogan ayeyna kubixineeysaa sidii wax looga badali lahaa, go’aankii “Gobanimo gaajo leh!” ee dhexdhexaadnimada dowlada dhexe uga noqotay khilaafka wadamada Carbeede Khaliijka.

M-Ku-Xigeenka-iyo-Gud-Barlamanka-Galmudug

Nasiibdarro! Xaaf wuxuu sheegay in uu lasafanyahay xulufada Sucuudiga iyo Imaaraadka. Wuxuu garanwaayey in Siyaasada Arimaha Dibada ay tahay sharciyan, in looga dambeeyo dowlada dhexe. Wuxuu sidookale garan waayey in uu go’aanka qalafsan, uguyraraan ka maamul ahaan kalatashado madaxda maamulka, waaba hadii uu yahay mid la isku raacikaro’e. Wuxuu sidoo kale garankari waayey ninka qorshaha ukeeney meesha uukasoojeedo, iyo waxa labada maamul kadhexeeya. Waxaase guud ahaan ummada ucadaatay, nuuca hogaan ee reer Gal-Mudug shilimaadka dhaafsadeen.

B-MOORYAANNIMO KULA KICIDII MADAXDA MAAMULKA UGU SAREEYSA

Madaxdii maamulka Gal-Mudug ugu sareeysey sida: Madaxweyne-Kuxigeenkii iyo Gudoomiyihii Baarlamaanka, ee aan cidi kala tashan go’aankii “Iskaqaraabashada!” Xaaf, shir-jaraa’id beey qabteen, kaasoo ay kucadeeyeen moowqifkooda ah, in aanu Xaaf kalatashan, isaga ugaaryahay, raali ka aheyn waxa uu kudhaqaaqay, dhowrayaana awoodaha sharciga ah ee dastuurka dalka uu si gaar ah usiiyey dowlada dhexe. Ileen Xaaf waa garasho xumo aabaheede mas’uuliyintii maamulka ugu sareysey, ee dad iyo deegaano matalayey, ayuu hadana “Xabsi-Guri” iska gashaday.Waxeey aheyd khalad kaloo weyn. Go’aankiisii guracnaa ee kaliga u ahaa, wuxuu ubadalay isku kicinta beelihii maamulka wada dhistay, si uu xilka ubadbaadsado. Durbadiiba odayaal beeshiisa ah oo odey-dhaqameedyo caan ah kujireen sida: Abuukar Ganeey, oo ah gudoomiyaha odayaasha dhaqan beesha Habargidir.Ugaaska beesha Ceyr: Cabdi Daahir iyo garaadka beesha Sacad: Qoorweyn, ayaa xamar, gaar ahaan Hotel Saxafi kushiray taariikhdu markeey aheyd 265-kii September 2017-ka, nasiibdarro! Meeshii ay kashaqeyn lahaayeen, isusoo jiidida ummadii wadadhisatay maamulka, ayey waxeey qabyaalad qayaxan kula safteen Xaaf. Waxeey weerareen dowladii dhexe, iyagoon habayaraatee wax dhaliil ah aan usoojeedin Xaaf, soona hadal qaadin xitaa mas’uuliyiintii maamulka GM ugu sareeysey, ee uu Xaaf mooryaannimada kula kacayoo iska xirxirtay, oo nasiibdarro! Markaa odayaal-beeleedkaasi shirayaan uxirxiran Xaaf. Yaab! Oday-dhaqameedyada Soomaaliyeed waxaa lagu yaqaanay nabad-doonnimo, in ay xalka ummada wanaag iyo midnimo kuraadiyaan iyo in ay usheegaan cidkasta khaladkeeda, illeen gari ilaaheey taqaane. Nasiibdarrose! Taasi madhicin.Waxaa waliba kaagasii daran, ma aaneey ushirin, Xaaf iyo dowladna ma weerarin odayaasha beelihii eey kasoo kalajeedeen mas’uuliyiintii GM ee Xaaf mooryaannimada kula kacay.

odayaasha-galmudug

Waxaa loogasiidaray arinta markii siyaasiyiin kubeel ah Xaaf, kanatirsan ururadii Damjadiid/Dulmi-Jadiid iyo Daljir/Dib-Jir, oo dowlada dhexe kukacsan, una arkayey arintan taagan in eey uga faa’ideeysankaraan qorshayaashooda, eey is abaabuleen, nasiibdarose! Dabkii holcayey ayey basiin kusiishubeen. Kii uhadlaba ama shirjaraa’id qabtaba waxeey kadhigeen rag Xaaf kubeel ah, sida: Mahad-Salaad, Axmed Fiqi, iyo Cabdi Qeyb-Diid, si malaha waxoo dhan looga dhigo beel saldanadeedii lagusooduuley, kana ceshaneeysa isla beelihii kalee maamulkaba wax kadhisay, kuna midoobay. Talo guracan iyo garasho jaan soow maaha!

Nasiibdarro! Waa sidii markii horaba eey rabeene siyaasiyiintii Xaaf kubeesha ahaa, ee labadaa urur kasocday, dowladii dhexe ayey waxkastoo eedeeyn ah dusha kasaareen, iyagoo ugu dambeyna kadhaadhiciyey Xaaf in dowlada dhexeba laguyiraahdo ma imaankartaan Cadaado, garoonkana kamasoodagikartaan, oo hadaad isku daydaan in aad imaataan, diyaaradabaa waa la idinla qarxinayaa. Taa waxeey keentey in eey arinta ugasii darto. Nasiibwanaag! 56-Xildhibaan ayaa xilka kaqaaday Xaaf, sidaa ayuuna sharciyan kuwaayey xilkii laaluushka markii horaba loogu khaldamay. Intii uu aqbali lahaa xilkaqaadistaa ayuu si naflacaarinimo ah u abaabulay xogaa xildhibaano ah, iyo wixii dad ah, ee uu helikaray, si uu muuqaalka dadka ugu khaldo, hadhoowna udhoho kaligeey xilka la igama qaadinoo madaxdiikalana waa lagaqaaday. Waase lagawada dharagsanyahay xaqiiqda biyo-kama-dhibcaanka ah.

C-AFLAGAADEYNTII BEESHA MURUSADE/HERIDIID

Xaaf ileen waa nin ku caan ah afgorocnimo iyo garasho liidatee, wuxuu af labadeed yeeray kulana kacay caay iyo aflagaado, mid ka mid ah beelihii walaalaha ahaa, ee deegaanka GM, kana mid ah beelihii kumidoobay dhismaha maamulka, waa: beesha Murusade/Heridiid/Sadex-iyo-Sagaal hadba sidaad utaqaano’e. Wuxuu nasiibdarro! Saxaafada kahoryiri: “Dad aan talin jirin baataliyey [Beesha Murusade], waxaana tagay dadkii talinjiray [Beesha Majeerteen]. Xaaf markuu sidaa uhadlayo, wuxuu iskagadayaa Cabdiweli Gaas, oo taageero beenaad umuujiyey, waxeeyna indhahiisa qabteen ookaliya RW Xasan Cali Kheeyre, oo uu ku eedeeynayey in uu qeyb kayahay, siyaasada isaga loogasoohorjeedo. Nasiibdarose! Wuxuu garanwaayey in mudane Xasan Cali Kheeyre yahay shaqsi, iyo siyaasi eey isqabankaraan, balse Murusadoo dhan aanu aheyn Xasan Cali Kheyre.Wuxuu sidoo kale garankariwaayey in beeshu kamidtahay beelihii waxkadhistay maamulka, kana mid ah dadka iyo deegaanka uu Xaaf sheeganayo in uu metelo. Waxaa taakasiidaran isagiina/Xaaf illaa iyo maanta wax raaligalin ah, kama bixin qadafkaa iyo meel uga dhacaa beeshaa sheekha iyo shaabkaba leh. Odayaashii shalay qaab-beeleedka ugu hiilinayeyna, hadana waxeey mar labaad garanwaayeen in eey dhahaan, war waxaas waa khalad, dadkuna waa wada dhashaye, kanoqoo raaligalin kabixi. Nasiibdarose! Nin waalan, tol qabtana waayey, wax kaxuni majiraan.

GABAGABO IYO GUNAANAD

Xaaf runtii mageeyo Gal-Mudug, mana aha ninkii mudnaa in uu hogaamiyo, maxaa yeelay malaha garashadii, hadal-aqoonnimadii iyo kartidii uu ummadaa isugu wadilahaa, horumarka eey ubaahanyihiina gaarsiinlahaa. In uu siiburburiyo maamulka, ummadaa walaalaha ah ee wada dagan, isdhalayoo isladhashay, dad iyo deegaanka wadaaga, maamulkaana kumidoobayna in uu kaladilo maahane, habayaraatee waxrajo ah lagama qabo, in uu isusoojiido, isusoodhaweeyo, oo midnimo iyo walaaltinimo kuhogaamiyo. Waxaa waajib ah, oo dhamaan odayaal-dhaqameedka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, culumaa’udiinka, dhalinyarada, haweenka ee dhamaan beelaha kumidoobay maamulka Gal-Mudug ku haboon in ay isdhaafiyaan Xaaf, markalana aan lacag lagudooran shaqsi aan uqalmin, in uu hogaamiye unoqdo reer Gal-Mudug si maamulkaa ubadbaado, horumar iyo xasilooni dhankasta ahna uu uhelo. Wabillaahi Toowfiiq.

.

cabdiboqorQoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor).

Maamule-Kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka Iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin/Bare ka ahaa. Al-Madinah International University

abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Melbourne, Australia

___________________________________________________________

 

Share This Post

Post Comment