3534 Views

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Hambalyo u diray Doorashada Somaliland

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Hambalyo u diray Doorashada Somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 14, 2017– Kulan galabta Madaxtooyada Soomaaliya ay ku yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliya ayey ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda Ee 2018,Miisaaniyaddaas oo wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle uu horgeeyay Golaha Wasiirada.
Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale Hambalyo u diray Doorashada Somaliland,waxaana ay sheegeen in Doorashada Somaliland ay tahay mid ku dayasho mudan islamarkaana ugu Hambalyeeyay Madaxda iyo Shacabka Somaliland sida Nabad gelyada ah ee Doorashadu ugu soo dhamaatay.
Doorashada Madaxweynaha Somaliland oo Shalay loo dareeray ayaa la soo gaba gabeeyay,waxaana Guddigu uu sheegay inuu wado Tirinta Codadkii la dhiibtay ayna ku dhawaaqayaan Musharaxa Guuleeystay.
Saddexda Musharaxa ee kala ah C/raxmaan Cirro,Muuse Biixi iyo Feysal Cali Waraabe ayaa ku tartamay Doorashada Madaxweynaha soomaaliland

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment