1887 Views

Qaar ka mid ah dhaawacyadii loo qaaday Turkiga oo maanta Muqdisho ku soo Laabanaya.

Qaar ka mid ah dhaawacyadii loo qaaday Turkiga oo maanta Muqdisho ku soo Laabanaya.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 14, 2017  – Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho dib loogu soo celiyo qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe muddo hada laga joogo 30 kuwaas oo xaalad Caafimaad loogu qaaday Dalka Turkiga.

Xaflad lagu sagootinayay dadkii soo Caafimaaday ee Dalkooda dib loogu soo Celinayo ayaa xalay lagu qabtay magaalada Ankara ee Caasimadda Dalka Turkiga waxaana ka qeyb galay Wasiirka Caafimaadka Turkiga.

Tirada Dadka soo Caafimaaday ee maanta ku soo labanaya Muqdisho ayaa gaaraya ilaa 10 qof kuwaas oo la sheegay in Daawooyin yar ay u harsan yihiin balse ay ku qaadanayaan Gurigooda Isbitaalkana ay ka bixi karaan.

Diyaarad laga leeyahay Dalka Turkiga ayaa maanta lagu wadaa in ay ka soo dejiso Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Turkiga oo Dalkii ugu horeeyya ee Soomaaliya soo Caawiyay markii ay dhacday Musiibadii Zoobe ayaa ku dadaalay dadkii dhaawacyada ahaa ee la geeyay Dalkiisa waxaana Ehelada Dadkii halkaas la geeyay ku amaaneen si hagar la’aanta ah ee uu u daaweeyay Bukaanadii uu qaabilay.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment