2328 Views

Ciidamada Amaanka Oo Soobandhigay Raashiin Dhacay Oo Lagu Keedinayey Muqdisho

Ciidamada Amaanka Oo Soobandhigay Raashiin Dhacay Oo Lagu Keedinayey Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 15, 2017–Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay raashin dhacay , kasoo laga soo bixin rabay Dekedda Magaalada Muqdisho.

Raashinka ay qabteen Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugida qaranka Soomaaliya ayaa gaaraya kumanaan Loor sida ay shaaciyeen Mas’uuliyiinta dowlada.

Wasiirka amniga gudaha uu wehliyo kusimaha Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugida qaranka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa booqday goobaha lagu qarinayay raashinka dhacay oo la doonayay in magaalada la soo galiyo.

Mas’uuliyiinta dowladda waxa ay sheegeen in raashinkaasi lagu qarinayay ,meel dekadda ka mid ah,islamarkaana la doonaayay in lagu dhibaateeyo dadka Shacabka.

01

02

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment