4149 Views

Faransiiska oo qabtay Hub ay waqooyiga Kuuriya u soo wadday Soomaaliya

Faransiiska oo qabtay Hub ay waqooyiga Kuuriya u soo wadday Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 15, 2017–Ciidamada Badda Faransiiska ayaa gacanta ku dhigay Markab waday Hub ay soo saartay Waqooyiga Kuuriya kuna wajahnaa Soomaaliya.

Markabka ayaa laga leeyahay Dalka Iraan,waxaana saaran 73 Qori oo noca Machingan-ka loo yaqaanno ah,kaas oo ay farsameyso dowladda Waqooyiga Kuuriya.

Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa Waddamada Iraan iyo Waqooyiga Kuuriya ku eedeeyay in ay hubeynayaan Al-shabaab,si ay danahooda dhinaca Nukliyeerka ah u gaaraan.

Hubkan ayaa warbixinta lagu sheegay in la sameeyay intii u dhaxeysay 1973dii ilaa 1980kii,waxaana kaddib laga iibiyay Dalka Iraan,kaas oo si suuq madow ah isna u iibiya.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa labada dal ee Waqooyiga Kuuriya iyo Iraan ku eedeeyay in ay jebinayaan cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya.

Hubkan ayaa la sheegayaa in la soo marsiiyay Dalka Liibiya si aan toos loogu fahmay in Dalalka Waqooyiga Kuuriya iyo Iraan ku lugleeyihiin hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya la geynayo.

Qaramada Midoobey waxaa ay sheegtay in labada dal ee Waqooyiga Kuuriya iyo Iraan oo ku howllan sameynta Hub Nukliyeer ah ay Macdan ka gurtaan Soomaaliya islamarkaana xiriir la leeyihiin AL-shabaab.

Awoowaha Madaxweynaha hadda haya talada Waqooyiga Kuuriya Kim Il-sung,ayaa mamnuucay in wax soo saarka Waqooyiga Kuuriya lagu iibiyo suuq madaw waxaana uu ka soo saaray xeerar dambi ka dhigaya,iyada oo tan iyo xilligaas ay Waqooyiga Kuuriya ka mid ahayd Waddamada aan wax soo saarkooda lagu arag suuqyada Madow hayeeshee hadda ayey u muuqataa in ay dib u billaabatay.

Kim Il-sung,Markii uu joojinayay waxaa warbixin ay dowladda sii deysay ku sheegtay in lacag dhan $1 Tiriliyan oo doollar laga sameyn jiray sanadkiiba,taasna ay horseedday hakinteeda.

Isha:Express.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment