2496 Views

Halka Uu Marayo Afganbigii Kabilaabaday Dalka Zimbabwe

Halka Uu Marayo Afganbigii Kabilaabaday Dalka Zimbabwe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 15, 2017–Xildhibaan ka tirsan mucaaradka, Eddie Cross ayaa BBC-da u sheegay in uu aaminsan yahay in Grace Mugabe ay u carartay dalka Namibia.

Siyaasigan ka tirsan xisbiga mucaaradka ee MDC ayaa sheegay in uu ogaaday in ciidamada ay xalay u ogolaadeen in ay ka baxdo dalka.

Wuxuu intaa ku daray in nolosheeda dibadda dalka ay tahay mid xaddidan ka dib markii lagu eedeeyay in ay gabar dharka xayeysiiso ugu xadgudubtay Johannesburg, bishii August.

sikastaba, arrintan si rasmiga u maysan xaqiijin ciidamada.

Qoraal si toos ah looga aqriyay TV-ga ayuu taliyaha ciidamada ku sheegay “in qaranka uu u xaqiijinayo in madaxweynaha iyo qoyskiisa ay bad qabaan, amnigoodana la damaanad qaaday”.

Waxaa la sheegayaa in dhammaan xubnaha qoyska koobaad ee dalka lagu hayo gurigooda Harare.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment