3147 Views

Maamulka Galmudug Oo Sheegatay In Laga Xurayndoono Al Shabaab

Maamulka Galmudug Oo Sheegatay In Laga Xurayndoono Al Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 1, 2017–Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Ducalle Xaaf, ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ka soo jeeda Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa Odayaasha dhaqanka kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Xoreynta degaanada ururka Al-shabaab ay ka joogaan degaanada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay ka go’an tahay in xor ay noqdaan degaanada hadda gacanta ugu jiraan Al-shabaab, waxaana bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Al-shabaab ayaa hadda ku sugan degaano ay ka mid yihiin inta u dhaxeysa Galcad, Xarar-dheer iyo Ceel-dheer oo ka wada ka tirsan Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment