2910 Views

Sawiro:-Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay degaano ka tirsan Baay

Sawiro:-Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay degaano ka tirsan Baay
____________________________________________________________________________

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal amniga lagu xaqiijinayo ka bilaabay wadada isku xirta Degmadda Buurhakaba iyo Degaanka Deynuunaay oo ka tirsan Gobolka Baay.

Guddoomiyaha Degmadda Buurhakaba ee Gobolka Baay Maxamed Ibraahim Nuur oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay Ciidamada Dowladda in Shabaab ay kala wareegeen degaano hor leh oo ka tirsan Baay.

Wuxuu sheegay in ay dhexda u xirteen sidii ay ula dagaalami lahayeen ururka Al-shabaab, shacabka ku nool degaanada Koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah ee Shabaab.

Wasaaradda amniga maamulka Koonfur Galbeed ayaa horey u sheegtay Ciidamada Koonfur Galbeed ee ku sugan Gobolada Baay iyo Bakool in ay u diyaar garoobeen dagaalka ka dhan ah Shabaab.

m1 m2

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment