2517 Views

Boqorka Dalka Sacuudiga oo lagu wado in uu wareejiyo Talada Dalka.

Boqorka Dalka Sacuudiga oo lagu wado in uu wareejiyo Talada Dalka.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 17, 2017–-DailyMail oo soo xiganeysa saraakiil sar sare oo ka tirsan Boqortooyada Dalka Sacuudiga ayaa daabacday in Boqorka Dalka Sacuudiga, Boqor Salmaan uu qorsheynayo in Talada Dalka uu ku wareejiyo Amiir Maxamed Bin Salmaan oo 32 jir ah.

Arrintan ayaa u muuqata in ay tahay talaabadii ugu dambeysay ee awooda gacanta loogu gelinayo Amiir Maxamed oo 32 jir ah waxaana Amiirkan uu horaantii bishan xirey illaa afartan Amiir iyo Wasiiro isagoo ku eedeeyay musuqmaasuq.

Wararka ayaa  waxa ay intaa ku darayaan in Boqor Salman uu ahaan doono boqor la qadariyo oo maamula oo kaliya Labada Xaram ee Barakaysan iyadoo guud ahaan talada Boqortoyada gacanta loo gelinayo Amiir Maxamed oo lagu naaneyso MBS.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment