2448 Views

Dab Xoogan Oo Saameeyn Ku Yeeshay Dhismaha Baarlamaanka Cameroon

Dab Xoogan Oo Saameeyn Ku Yeeshay Dhismaha Baarlamaanka Cameroon
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 17, 2017–Aqalka Golaha Baarlamaanka Dalka Cameroon ayuu xalay dab qabsaday,kaas oo ku yaalla Caasimadda dalkaas ee Yaoundé.

Gubashada Dhismaha Golaha Baarlamaanka Dalka Cameroon aan la caddeyn,haddana waxaa socda baaritaan la xiriira sababta dabkaas dhalisay.

Dhismahan ayaa ka kooban Dabaq 4 Biyaano ah,waxaana dabku saameeyay qeyb ahaan Dhismaha,kooxaha gurmadka deg degga ah ee dab damiska ayaa ku howllan daminta dabkaas.

Wasiirka Warfaafinta Dalka Cameroon Issa Tchiroma,ayaa sheegay in falka dabka ah ee ka kacay dhismaha baarlamaanka uu yahay shil hayeeshee uu socdo baaritaan lagu xaqiijinayo waxa sababay.

Xisbiga Mucaaridka ah ee SDF,ayaa sheegay in 22 Sano ay dhismahaas ku shaqeynayeen,sidoo kalena xogtii iyo Dukumiintiyadii Baarlamaanka la baabi’iyay sida ay sheegayaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment