2328 Views

Dhagayso:–Wararkii Laxiriiray Doorashada Soomaaliland Iyo Sida ay Wax u Socdaan

Dhagayso:–Wararkii Laxiriiray Doorashada Soomaaliland Iyo Sida ay Wax u Socdaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 17, 2017–Guddiga doorashooyinka maamulka Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay cabashadii kasoo yeertay Mas’uuliyiinta xisbiga Wadani ee Somaliland.

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Musharraxa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa Magaalada Hargeysa warbaahinta ugu sheegay in la xaliyeen Khilaafkii soo gala dhexgalay.

Cabdiqaadir Iimaan Warsame waxaa uu tilmaamay  in waraaqaha xisbiga Waddani ay heleen ay lahaayeen guddida doorashooyinka Somaliland isla markaana aanay ahayn kuwo been-abuur ah oo lagu codeeyay.

Gudoomiyaha ayaa ugu dambeyntii xusay in khilaaf kaste oo yimaada ay xalin doonaan.

Musharaxa Xisbiga Wadani ayaa dhankiisa ayaa sheegay in uu ku qancay guddiga doorashooyinka,islamarkaana ay la shaqeyn doonaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment