2304 Views

Kalluumeysato Pakistaniyiin ah laguna qabtay Kismaayo oo ku laabtay dalkooda

Kalluumeysato Pakistaniyiin ah laguna qabtay Kismaayo oo ku laabtay dalkooda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 18, 2017–Kaddib codsi ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Pakistan,ayaa lagu siidaayay Kalluumeysato Pakistan u dhashay oo lagu qabtay Maamulka Jubaland.

Raggan oo gaarayay 7; Qof ayaa dib u laabashadooda waxaa gacan ka geystay Hay’adda Bishacas ee Caalamiga ah iyo Maamulka Jubaland oo Kallumeysatadan qabtay markii hore.

Doon ay la socdeen Kalluumesatadaas ayaa ku degtay Xeebaha Kismaayo,waxaana bad baadin kaddib lagu eedeeyay in ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha Soomaaliya.

Dadka ehelka u ah Kalluumeysataya ka laabtay Soomaaliya ayaa ku sugayay Garooada Diyaaradaha Magaalooyinka Karachi  iyo Islamabad ee Dalka Pakistan.

Raggan ayey doontooda degtay,mana aysan awoodin in ay diraan farriin gurmad dalbasho ah,waxaase ay ku bad baadeen Kalluumeysato Soomaaliya ah oo Gobolka Jubada hoose ka kalluumeysta.

Sidoo kale Hay’adda Bisha cas waxaa ay isku xirtay Qoyasaska 7; kale oo Kalluumeysato Reer Pakistan ah,kuwaas oo 10; kii Sano ee la soo dhaafay lagu waayay biyaha dalka Yemen.

Waxaana muddo kaddib iyaga oo adeegsanaya Barnaamijka isu baadigoobka ehelka ee Bisha cas ay ku guuleysatay in ay isu helaan dadkaas oo muddo dheer kala maqnaa.

Qoyaska Kalluumesatada laka celiyay Soomaaliya ayaa aad u soo dhaweeyay in ay wiilashooda dib u arkaan,waxaana qaar ka mid ah waliddiintooda oo aad u faraxsan sheegeen in aysan marna fileyn in wiilashooda oo bad qaba dib u arki doonaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment