2730 Views

Soomaalida ku nool Waqooyiga Yemen oo Xaalad biyo la’aan Soo wajahday.

Soomaalida ku nool Waqooyiga Yemen oo Xaalad biyo la’aan Soo wajahday.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 18, 2017–Caasimadda Yemen ee Sanca waxaa maamula Kooxaha Xuutiyiinta ah ee Dagaalka kala soo horjeedo Dowladda Cabdi Rabbuu ee Sacuudiga Taageerada ka hela, Magaaladaasi waxaa ku sugan dad yar oo fara ku tiris ah, waxayna ka barakaceen dadkii Degenaa kadib markii Isbaheysiga Sacuudiga ay go’doomiyeen isla markaana ay ka xannibeen duulimaadka Diyaaradaha.

Waxaa Dhawaan ka dilaacay Cudurka Daacuunka, sababta Cudurkaasi keentayne waxaa la sheegayaa in ay tahay in Biyaha iyo Deegaanka oo aanan wanaagsaneen.

Tan iyo Bur-burkii Dowladii Militariga aheyd ee Soomaaliya, waxay Magaaladaasi Marti Galisay Soomaali fara badan oo dalka ka cararay, kadib markii ay xami waayeen Dagaaladii Sokeeyey ee Dalka ka jiray.

Magaalada Sanca ayaa la sheegayaa in dhawaanahaan ay isaga baxayeen Dadka Soomaalida ah oo qaarkood dib ugu soo laabanaye Dalkooda Hooyo, halka kuwo kalane ay aadayeen Magaalada Cadan oo ay ku sugan tahay Dowladda Yemen, dhacdana Koofurta Dalkaasi.

Waxaa laga soo sheegayaa in biyo la’aan ay ka jirto Magaalooyin Sanca ku jirto, Ticis, iyo Sacda ayaa iyane la sheegayaa in dadkii deganaa ay bilaabeen in ay isaga barakacaan si ay u raadsadaan biyo wanaagsan, sida ay sheegayaan saraakiiil katirsan Qaramada Midoobe.

Soomaalida fara ku tiriska ee Magaalada Sanca ku haray ayaa la tilmaamayaa in ay u jiheysan yihiin Magaaladooyinka dhaca Waqooyiga Dalkaasi oo aanan go’doonsaneen, Xaaladda Yemen ee dhanka bani aadamnida ayaa laga deerinayaa.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment