1971 Views

Tahriibayaashii Ugu Badnaa Oo Badda lagu la’yahay

Tahriibayaashii Ugu Badnaa Oo Badda lagu la’yahay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 18, 2017–-Wararka laga helaayo badda u dhaxeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga ayaa sheegaya in dooni siday in ka badan 100 ruux muhaajiriin ah  in la’la yahay , islamarkaana ay baadi goobaayaan Saraakiisha Ciidamada badda ee Talyaaniga.

Sarkaal u hadlay Ciidamada badda dowladda Talyaaniga ayaa sheegay in dadkaasi lagu la’yahay badda.

Wararka qaar ayaa sheegaya muhaajiriinta badankood ay kasoo jeedaan qaarada Afrika.

Doonidaan ayaa la sheegay in ay ka baxday xeebaha dalka Liibiya ,islamarkaana ay kusii jeeday dalka Talyaaniga.

Ciidamada Talyaaniga ayaa shalay helay Meydadka ku dhawaad 30 qof oo haween ah , kuwaa soo kasoo jeedda dalka Nigeria.

Badda Liibiya ayaa noqotay marinka ugu weyn ee muhaajiriinta u socota Yurub, ka dib markii ay Turkiga iyo Midowga Yurub ku heshiiyeen joojinta tahriibayaasha mara badda Aegean.

Ciidamada Ilaalada xeebaha dalka Liibiya ayaa soo badbaadiyay isbuucii lasoo dhaafay in ka badan kumanaan qof oo tahriibayaal ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment