2520 Views

Wadahadalka Galmudug Iyo Ahlusuna Oo Si Toos ah Kaga Furmay Nairobi

Wadahadalka Galmudug Iyo Ahlusuna Oo Si Toos ah Kaga Furmay Nairobi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 18, 2017–Madaxweynayaasha Ahlusunna iyo Galmudug ayaa ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle  iyo kan Ahlusunna Sheekh Shaakir ayaa shalay galab ka baxay Garoonka Aadan Cadde, islamarkaana u duulay dalka Kenya.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa Qaranimo Online  u xaqiijiyay in wadahadal ay garwadeen ka tahay IGAD in uu kaga furmi doono Magaalada Noirobi ee dalka Kenya.

Qodobadda ugu muhiimsan ee looga hadlaayo ayaa waxaa ka mid ah sidii Ahlusunna ay qeyb uga noqon laheyd Baarlamaanka iyo Wasiiradda Galmudug.

Waxaa ay sidoo kale xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug in sidoo kale dhamaadka bishaan Muqdisho uu ka furmi doono wadahadal kale oo khilaafka lagu soo Afjarayo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo looga hadlaayo xalinta Khilaafka Ahlusunna iyo Galmudug.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment