2511 Views

Wasaaradda Diinta & Awqaafta oo ka hadashay amarka la dul dhigay Macalimiinta Boondheere

Wasaaradda Diinta & Awqaafta oo ka hadashay amarka la dul dhigay Macalimiinta Boondheere
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 17, 2017–Kadib markii Maamulka Degmada Boondheere amaro culus ay dul dhigeen Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ee Degmadaasi, ayaa arintaasi waxaa ka hadlay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya.

Agaasimaha Waaxda Diinta ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cali Dheere oo la hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu sheegay in Maamulada Degmooyinka aysan wax shaqo ah ku laheyn Dugsiyada Qur’aanka.

Wuxuu sheegay in Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya ay tahay meesha kaliya ee lagala xiriiro Dugsiyada Qur’aanka iyo nidaamkooda, isaga oo sheegay inaysan habooneyn Maamulada Degmooyinka inay farageliyaan Dugsiyada Qur’aanka Kariimka.

“Dugsiyada Qur’aanka iyo Masaajidada Degmooyinka lagama xukumo, waxaana laga xukumaa Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Waxaa si gaar ah u qaabilsan qaybta Awqaafta kuli waa qoran yihiin taleefanadooda ayaan haysanaa waan la xiriirnaa, wixii qalad ah in annaga nalala socodsiiyaa ayaa la rabaa.” Ayuu yiri Agaasimaha Waaxda Diinta ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cali Dheere.

Macalimiinta Dugsiyada Degmada Boondheere ayaa looga yeeray xarunta Degmada waxaana loo sheegay markii ay tageen xarunta Degmada Boondheere inay keenaan warqado cadeynaya Milkiyada dhulka Dugsiga uu ku yaallo, ama ay keenaan qof damiin ka ah oo Degmada laga yaqaano.

Dadka Degmada Boondheere ayaa ka digaya inay xirmaan Dugsiyada Qur’aanka Degmadaasi, caruurtana ay waayaan meel ay wax ku bartaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment