2961 Views

Dhagayso:-Wasaarada Maaliyada Oo Cashuur Ku Soorogatay Xildhibaanada Iyo Shirkaddaha Gaarka Looleeyahay

Dhagayso:-Wasaarada Maaliyada Oo Cashuur Ku Soorogatay Xildhibaanada Iyo Shirkaddaha Gaarka Looleeyahay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 19, 2017–Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa warqad uu 9-kii bishan u qoray Guddoomiyaha Golaha shacabka ayuu ku wargeliyay in Xildhibaanada aan wax canshuur ah laga goyn, wixii ka dambeeya October 2017 la bilaabi doono in canshuurista Gunnada ay qaataan Xildhibaanada.

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu soo rogay canshuurista Gunnada ay qaataan, taasoo noqoneysa markii u horeysay ee Xildhibaanada laga qaadi doonto canshuurta ku waajibtay.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Somaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa sheegay inuu socdo qorshe canshuur looga qaadaayo shaqaalaha ka shaqeeya Shirkadaha gaarka loo leeyahay.

C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa wuxuu tilmaamay inuusan hadda jirin sharci qeexaya in canshuur laga qaado Shaqaalaha ka shaqeeya Shirkadaha gaarka loo leeyahay, balse wuxuu sheegay in arintaasi ay socoto qorshaheeda.

Wuxuu sheegay qof waliba oo muwaadin ah oo dalka ku sugan inay waajib ku tahay bixinta canshuurta, balse hadda dadka qaar aanan la qaadin, sababo ku aadan in shuruucda looga qaadayo iyo nidaamka hadda ay socoto.

Hanaanka Maamulka maaliyadda dalka ayaa soo hagaagaya, balse waxaa jirta isbarbar yaac ku aadan hanaanka qaadista canshuurta Gobolka Banaadir iyo mida ay qaado Wasaaradda Maaliyadda.

bn

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment