2115 Views

Kenya oo ka digtay Weeraro Ka Dhan ah Al shabaab

Kenya oo ka digtay Weeraro  Ka Dhan ah Al shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 19, 2017–Dowladda Kenya ayaa digtay Weeraro Argagixiso oo ay geystaan Al-Shabaab oo ka dhaca Magaalooyin ka tirsan dalka Kenya Sida Magaalada Mandera.

Dowladda  ayaa sheegtay in ay jirto cabsi ku aadan weeraro ka dhaca Magaalo xeebeedyada dalka Kenya , halkaasi oo ay ku badan yihiin dadka ka yimaada dalalka ka baxsan Kenya iyo sidoo kale Magaalada Mandera oo xuduud la leh Magaalada Baledxaawo ee Soomaaliya.

Magaalada Lamu ayaa la sheegaya in ay ka baxeen dadka aan Kenyaan aheyn sababo la xariira ammaankooda.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale la sheegaya in ay heegan gelisay ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan Magaalo xeebeedyada dalka Kenya.

Sarkaal Sare oo u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in ay ka feejigan yihiin Weeraro ka yimaada Al-Shabaab.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Amniga Magaalada Mandera la adkeeyay tan iyo markii Al-Shabaab ay weerareen Magaalada Baledxaawo.

Al-Shabaab ayaa dalka Kenya Weeraro ku qaadayay tan iyo sanadkii 2011 kii Mar kasoo ciidanka dowladda Kenya ay gudaha usoo galeen Soomaaliya.

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment