2133 Views

Khilaaf Xoogan Oo ka dhashay Magacaabista Golaha Wasiirradda Hirshabeelle

Khilaaf Xoogan Oo ka dhashay Magacaabista Golaha Wasiirradda Hirshabeelle
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 19, 2017–Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle waxaa ka socdo kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Magacaabista Golaha Wasiiradda maamulka Hirshabeelle.

Magacaabista Golaha Wasiiradda ayaa waxaa ka taagan Khilaaf u dhaxeeya Xildhibaanada iyo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa doonaya in ay ka mid noqdaan Wasiiradda cusub ee lasoo Magacaabayo.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa la sheegay in uu soo bandhigay Liiska Golo Wasiiro oo u badan qurbajoog, islamarkaana ay arintaasi uu ka horyimid Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

Sidoo kale xildhibaanada qaar ayaa doonaya in lasoo celiyo Wasiiradda Hore.

Wariyeyaasha ku sugan Jowhar ayaa soo sheegaya in khilaaf uu ka taagan yahay  Magacaabista Golaha Wasiirradda Hirshabeelle.

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa wadda dadaallo lagu daminaayo Xiisadda ka dhalatay Magacaabista Golaha Wasiirradda Hirshabeelle.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment