2184 Views

Madaxa Nuclearka Maraykanka oo ka soo horjeestay Weerar Nuclear ah oo Dalkiisa Qaado.

Madaxa Nuclearka Maraykanka oo ka soo horjeestay Weerar Nuclear ah oo Dalkiisa Qaado.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 19, 2017–Madaxa ugu sareeya taliska niyuukleerka milatariga Mareykanka ayaa sheegay inuu iska diidayo amar kasta oo sharcidarro ah, oo uga yimaada madaxweye Trump oo lagu qaadayo weerar niyuukler ah.

Taliyaha oo ka hadlayay shir looga hadlayay arrimaha ammniga oo ka dhacay dalka Canada, ayaa Jeneral John Hyten waxa uu sheegay in maadaama uu yahay madaxa taliska istaraatiijiyada Maraykanka uu arrintan tallo ka siiyay madaxweynaha.

Jeneraal Hyten ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in haddii uu u sheego madaxweyne Trump in weerarka niyuuklerka uu sharcidarro yahay uu ka filayo inuu raadsado waddo kale oo sharci ah.

General Hyten ayaa sheegay in laga yaabo in uu gallo xabsi daa’in haddii uu fuliyo amar sharcidarro ah.

Hadalkan jeneraalka ayaa imaanaya maalma uun kaddib markii senetarada Mareykanka ay ka doodeeen awoodda uu u leeyahay madaxweynuhu inuu qaado weerar dhanka niyuukler-ka ah.

Doodan ayaa ah tii ugu horreysay oo nooceeda ah oo ay dhageystaan xubanha sanat-ka in ka badan afartan sano.

Qaar ka mid ah xubnaha senet-ka ayaa walaac ka muujiyay in Madaxweyne Trump laga yaabo in si mas’uuliyad darro ah uu u amro in weerar niyuukler ah la qaado.

Xigasho BBC.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment