2508 Views

Madaxweynaha Masar oo ka hadlay Xiisadda kala dhaxeysa Dalka Itoobiya

Madaxweynaha Masar oo ka hadlay Xiisadda kala dhaxeysa Dalka  Itoobiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 19, 2017–Madaxweynaha dowladda Masar ayaa sheegay in dowladiisa aysan aqbali doonin in dowladda ay Itoobiya ay leexsato wabiga Biyaha Nile, oo labadal ay ku muransan yihiin.

Waxaa uu sheegay in shacabka Masar ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan cidkaste oo kusoo duusho, una muuqata in ay doonayaan in ay qaataan qeyraadka ay leeyihiin dadka Shacabka ah.

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax al-Siisi ayaa xusay in biyaha wabiga Nile-ku ay Masar uga dhigan yihiin geeri iyo nolol, isla markaana aan la taaban karin, isaga oo ka hadlayey biyo xireenka ay Ethiopia dhawaan sameysay.

Madaxweyne al-Siisi ayaa dhawaan arrintan wadahadal kala yeeshay Madaxweynaha Sudan, Cumar Xasan al-Bashiir iyo Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Haila Mariam Daselegne.

Waxaa uu sheegay in dowladda Masar ay fahansan tahay horumarka dowladda Itoobiya ,hadana marna aysan aqbali doonin in qeybta Biyaha ee Wabiga Nile ee dowladda Masar waxyeelo la gaarsiiyo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment