2820 Views

Sacad Xariiri oo soo dhoweyn wanaagsan kala kulmay Madaxweynaha Faransiiska

Sacad Xariiri oo soo dhoweyn wanaagsan kala kulmay Madaxweynaha Faransiiska
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 19, 2017–Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Qasriga Madaxtooyada Elysee Palace ku soo dhoweeyay Sacad Xariiri oo labo todobaad ka hor iska casilay xilkii Ra’iisul Wasaaraha Lubnan.

Sacad Xariiri ayaa beeniyay wararka sheegaya in Sacuudiga ku qasbay inuu is casilo, xilligaas oo uu ku sugnaa magaalada Riyadh.

Hase ahaatee Madaxweynaha Lubnan Michel Aoun ayaa ka diiday inuu ka aqbalo is casilaadiisa.

Madaxweynaha Faransiiska Macron ayaa u balan qaaday Xariiri taageero, isagoo ku soo dhoweeyay Faransiiska hadii uu doonayo degenaansho iyo magangalyo siyaasadeed.

Sacad Xariiri ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu dib ugu laaban doono magaalada Beirut, si uu caddeeyo mowqifkiisa marka uu la kulmo Madaxweyne Michel Aoun.

“Waxaan maalmaha soo socda aadi doonaa Beirut, si uu uga qeyb galo dabaal degyada madax banaanida, waxaa markaas caddeyn doonaa mowqifkeyga marka aan la kulmo Madaxweyne Michel Aoun”ayuu yiri Sacad Xariiri oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen isaga iyo Madaxweynaha Faransiiska.

Sacad Xariiri ayaa horay ugu eedeeyay Iiraan iyo Xisbullah inay sabab u yihiin xasilooni darada ka jirta Gobolka.

Dadka reer Lubnan ayaa aaminsan in is casilaadii lama filaanka aheyd ee Mr Xariiri ay aheyd mid uu Sacuudiga ku cadaadiyay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment