2184 Views

Dhagayso:-Hadal Dhawaan Lahadal Hayey Oo Labeeniyey

Dhagayso:-Hadal Dhawaan Lahadal Hayey Oo Labeeniyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 20, 2017–Gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ahna gudoomiyaha tartanka bariga iyo bartamaha Africa  ee CECAFA oo lagu qabanayo dalka Kenya Cabdi Qani Saciid Carab oo lahadlayay warbaahinta maanta oo isniin ah ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray wararka sheegayay in Soomaaliya aysan koobkan ka qeyb gali doonin sanadkan.

Cabdi qani Saciid Carab ayaa sheegay in wararka maalmihii lasoo dhaafay lagu faafinayay baraha bulshada aysan waxba ka jirin, been abuurna ay yihiin, isagoo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay xubin buuxda ay ka tahay wadamada ka qeyb galaya tartanka Bariga iyo Bartamaha Africa.

Waxa  uu xusay in tartanka sanadkan uu isaga ka yahay Gudoomiye, meelna uusan ku maqlin meel Soomaaliya tartanka looga saarayo, sidoo kalana aysan jirin cid ka saari karta tartan ee xaq u leedahay Soomaaliya inay ciyaarto.

Cabdi Qani Saciid Carab ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inaysan aaminin waxa ay ku arkeen baraha Bulshada, isagoona cod dheer ugu baaqay inay cid kasta oo dooneysa inay xaqiiqda ogaato ay lasoo xariiraan xafiisyada iyo masuuliyiinta ku shaqada leh si ay u siiyaan xog saxan oo ku aadan  xeerarka lagu maamulayo  koobka bariga iyo bartahama Africa oo sanadkaan ka dhacaya dalka Kenya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment