2421 Views

Golaha shacabka Oo Maanta Aqrinaya Miisaaniyadda 2018

Golaha shacabka Oo Maanta Aqrinaya Miisaaniyadda 2018
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 20, 2017–Kulnaka Golaha shacabka ee maanta ayaa ku saabsan aqrinta 1aad ee Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2018,waxaana sidoo kale jiri doona XIldhibaannada qaar oo dooda ka yeelan doono xaalada dalka.

Golaha shacabka ayaa waxaa ay Sabtigii la soo dhaafay waxaa ay soo gaba gabeeyeen kiiskii C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.

Guddigii loo saaray baarista dhiibistii Qalb-dhagax ayaa waxaa ay sheegeen in madaxda sare aan la siinin xog dhameystiran oo la xiriirtay dhiibista C/Kariin.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa aragti kala duwan ka dhiibtay go\aanka Golaha shacabka ee la xiriiray in ay sharci darro ahayd dhiibista Qalbi-dhagax,waxaana ay sidoo kale diideen in dhiibis dambo ay dhacdo iyaga oo aan ka warqabin.

Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee Sanadka 2018ka ayaa gaareysa $274,640,19 Doollar,waxaana 14kii November meel mariyay Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

Miisaaniyadda 2018 waxaa ay ka badantahay tii Sanadkan 2017 ay ku howlgaleysay Dowladda Soomaaliya oo gaareysay $246Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment