2802 Views

Robert Mugabe Oo Wacad Kumaray In Uu Xilka Madaxweyne Ee Dalkiisa Hayndoono

Robert Mugabe Oo Wacad Kumaray In Uu Xilka Madaxweyne Ee Dalkiisa Hayndoono
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 20, 2017–Madaxwaynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa wacad ku maray in uu awoodda sii hayn doono dhowr todobaad ,iyada oo uu sii kordhayo cadaadiska lagu hayo ee ku aadan in xilka uu ka dago.

Khudbad uu si toos ah uga jeediyay TV-ga qaranka ayuu Mr Mugabe ku sheegay in uu shir gudoomin doono kulanka golaha xisbiga ay yeelanayaan bisha December ee soo socota.

Madaxwayne Robert Mugabe markii uu khudbadda jeedinayay waxa barbar fadhiyay saraakiisha sarsare ee militariga dalkaasi iyo madax kale.

Khudbadda madaxwayne Mugabe oo ahayd mid si wayn loo sugayay ayaa waxa la filayay in uu iscasilo balse taasi ma dhicin.

Xubnaha xisbiga Zanu-PF ayaa mar sii horreysay ka cayriyay Mugabe xilka hogaamiyaha xisbiga.

Madaxwayne Mugabe ayaa waxa xisbiga Zanu-PF u qabteen in muddo 24 saac gudahood ah uu isku casilo haddii kale ay xil ka qaadis ku samayn doonaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment