2430 Views

Tiro Burcadbadeed ah Oo Gacanta Lagu Dhigay

Tiro Burcadbadeed ah Oo  Gacanta Lagu Dhigay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 20, 2017–Markab laga leeyahay dalka Talyaaniga oo lagu magacaabo ITS Virginio ayaa qabtay Lix nin oo burcad badeed ah, kuwaasi oo dhowr weerar u geystay Maraakiib iyo Dooman Kalluumeysi.

Lixda nin ee la qabtay ayaa weerar ku qaaday Markab xamuul ah oo waday adeegyo kala duwan oo culeyskooda uu yahay 52,000 oo tan 17-kii ilaa 18-kii bishan mudo 24-saac gudahood ah, waxaana weerarka uu si gaar ah uga dhacay meel Badda kaga aadan Koonfurta Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay shaqaalaha la socda Markabka ayaa sheegay in dhammaan ay bad qabaan shaqaalaha Markabka oo aysan jirin waxyeelo soo gaartay intii lagu guda jiray howlgalka.

“Gacanta ayaa lagu dhigay Lixda nin ee Burcad badeeda ah, intii howlgalka lagu guda jiray dhowr Bambo gacmeed ayaa lagu soo tuuray Markabka, waxaan adeegsanay helicopter-ka SH-90, raggan aan qabanay waxaan horgeyn doonaa sharciga.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Guddiga Siyaasadda iyo Amaanka Midowga Yurub ayaa 27-kii October ee sanadkan Taliye cusub u magacaabay howlgalka Atlaanta ee ka dhanka ah Burcad Badeeda Soomaaliya, waxaana lagu magacaabaa Major General Charlie Stickland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment