4038 Views

Xisbiga Wadani oo Xalay isaga baxay Tirinta Codadka ugu Dambeeya ee Doorashadii dhacday.

Xisbiga Wadani oo Xalay isaga baxay Tirinta Codadka ugu Dambeeya ee Doorashadii dhacday.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 20, 2017–Xisbiga Wadani oo kasoo horjeystay Codadkii ay ka heleen Deegaanada 26-ka June, Gacan libaax iyo Ibraahim Kood-buur, waxaynau wararku sheegayaan in ay isaga baxeen Goobta lagu tirinayo Codadkii kasoo xarooday Deegaanadaasi.

Dhamaan deegaanada Somaliland waxaa la sheegayaa in la tiriyey Codadkii Doorashada ee 13-kii bishan oo ku beegneed isniintii bartamihii Todobaadkii Tagay, balse ay Harsan yihiin Saddexdaan Deegaan.

Mas’uuliyiinta Xisbiga Wadani ayaa saluugay tirinta Codadka, waxayna wararku tilmaamayaan in saddexdaan Deegaan ay kamid ahaayeen Deegaanada Wadani uu ku tashane codadka ugu badan ee la dhiibtay.

Guddiga Doorashada ayaa xalay Kowdii habeenimo (Todobo Saac Habeenimo) dib tirinta ugu soo celiyey wakiilka Xisbiga Kulmiye ee goob jooga u ah Goobaha Hargeysa Hoos taga ee lagu tirinayo Codadka Doorashadii la dhiibtay.

Sida Qorshuhu ahaa waxaa guddiga lagu waday in muddo aanan ka badneen todobaad ay ku dhawaaqaan Natiijada Hordhaca ah ee Doorashada, balse waxaa la sheegayaa in ay u dhiman yihiin Sanaadiiq aanan ka badneen boqol, oo tirintooda isla xalay ay guda galeen.

Guddiga gacanta kula jira Doorashada Somaliland ayaa isugu jira xubno ka kala socda Guddiga Doorashooyinka, wakiilada Saddexda Xisbi iyo Xubin ka socota Maxkamadda Sare ee Maamulka Somaliland.

Doorashada Somaliland waxaa hareeyey is qab-qabsi ka dhashay Codadka qaar oo ay saluugeen Xisbiyada, waxaana dhowr jeer dhacday in Xisbiga Wadani uu dagaal afka kala hor tagay Guddiga doorashooyinka, isla markaana ay wada shaqeynta kala laabteen.

Waxay wararku sheegayaan in Doorashada illaa iminka uu ugu horeeyo Xisbiga Kulmiye, waxaana sanadkaan u tar-tamaya Muuse Biixi Cabdi.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment