2487 Views

Deg Deg:- Madaxweyne Mugabe oo Is casilay.

Deg Deg:- Madaxweyne Mugabe oo Is casilay.
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | 21 November 2017 – Madaxweynihii Zimbabwe Robert Mugabe ayaa Goordhaw ku dhawaaqay in uu iska Casilay Xilka Madaxweynaha Dalkaasi, waxaana Socday Cadaadis lagu saarayo in uu Xilka Baneeyo.

Mugabe ayaa Wajahay Cadaadisyo kala duwan oo kaga imaanaye Ciidamada Talada la wareegay, Xisbiga uu katirsan yahay ee Zanu-PF ee uu hogaamiyaha u ahaa, iyo Baarlamaanka Dalkaasi.

93-sano Jirkaan ayaa la dhowraye in uu Is Casilaadiisu ku dhawaaqo Habeen kahor, waxa uuna ka caga jiiday in uu Xilka iska casilo, Baarlamaanka ayaa ugu goodiyey in ay ku sameynayaan Xil ka xayuubin, balse ugu dambeyn iyagoo u fadhiya Xil ka qaadistiisa ku dhawaaqay in uu is casilay.

Af-hayeenka Baarlamaanka Zimbabwe ayaa Xildhibaanada ku wargeliyey in uu Iscasilay Mugabe, sidaa awgeedne Mooshinkii ay ka wadeen ee ay doonayeen in ay xilka kaga qaadaan uu gudbay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment