3042 Views

Dibad bax Rabshado Watay oo Ka Dhacay Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.

Dibad bax Rabshado Watay oo Ka Dhacay Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | 21 November 2017 Wararka ka imaanaya Magaalada Burcdo ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa sheegaya in dibad baxyo rabsho watay uu ka dhacay Galbeedka Magaaladaasi.

Dibad baxyaasha ayaa ka careysnaa Guushii Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Xildiid uu ka Gaaray Doorashadii ka dhacday Deegaanada Maamulkaas.

Ciidamada amaanka oo u hogaansamaya amarka wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland ayaa kala eryey dadkii dibad baxyada sameynaye, waxaana la sheegayaa in uu halkaa ka dhacay isku dhac labada dhinac u dhaxeeyey.

Wasaaradda Arrimaha Maamulka Somaliland ayaa Ciidamo booliis dheeraad ah geysay Magaalooyinka waa weyn ee ay ku badan yihiin Xisbiyada Wadani iyo UCID sida illo wareedyadu Sheegayaan.

Ciidamadaas ayaa qorshaha loo geeyey ah in ay kahor tagaan Dibad baxyo Rabshado Wata oo ka dhacay Magaalooyinka, Maadaama Doorashadii todobaadkii hore dhacday Natiijadeeda ay dhinac u dhacday.

Burco iyo Hargeysa ayaa marti Geliyey Dibad baxyo Rabshado watay, waxaana Dhimasho iyo Dhaawac kasoo gaartay ku dhawaad Dhowr iyo Toban Qofood oo ahaa Taageerayaasha Xisbiga Wadane ee looga adkaaday Doorashada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment