2913 Views

Gaari Waxyaabaha Qarxa Laga Soobuuxiyey Oo Goordhow Qarxay

Gaari Waxyaabaha Qarxa Laga Soobuuxiyey Oo Goordhow Qarxay
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | 21 November 2017 –KUgu yaraan 20 qof ayaa dhimatay, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 40 oo ubadan dad shacab ahaa oo ku sugnaa Suuq ku yaala Waqooyiga Ciraaq.

Goobjoogayaal iyo illo Dhanka caafimaadka ah ayaa sheegay in dhowr ka mid ah dadkii dhaawacmay ay xaaladdoodu Liidato, Kadib Markii Dhaawacyo Halis ah ay soo gaareen.

Suuqa uu Gaari ku qarxay Saxmad (Cariiri) ahaa, waxaana xiliga uu gaariga ku qarxaye ku sugnaa Dadweyne Fara badan oo ka adeeganaye Suuqa.

Waxa uuna ku yaalla Suuqa Qaraxa ka dhacay Magaalada Tuz Khurmatu, waxayna u dhawday oo ay 50 KM u jirtaa Magaalada Kirkur.

Saraakiisha Ammaanka Ciraaq ayaa sheegay in inta badan dhibanayaashu ay ahaayeen dad rayid ah, isla markaana Khasaaruhu uu intaa kasii badan karo, Maadaama ay jiraan Bukaano Dhaawacyo Halis ah soo gaaray.

Magaalada Tuz Khurmatu waa ay kamid tahay goobaha ay ku muransan yihiin Kooxaha Kurdiska iyo Ciidamada Ciraaq.

Waxayna Maamulka Magaaladaasi Gacanta ku haya Ciidamada Ciraaq kadib markii ay isaga baxeen Xooggaga Kurdiyiinta ee Maamulaye.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxana la aaminsan yahay in ay ka dambeeyeen Kooxda Dowladda Islaamka ee Qaraxyada iyo Dagaalada ku haya Ciidamada Ciraaq iyo Taageerayaashoodaba.

Xukuumadda Ciraaq ayaa ku baaqday Howlgalo ay sheegtay in lagu sifeynayo Haraadiga Kooxda Daacish ee Sunniyiinta Degaan, oo ay ka geystaan Weerarada iyo Qaraxyada ugu badan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment