3528 Views

Khilaaf ka taagan xilka qaadista lagu sameeyay Gaashaanle Sare Maxamed Daahir Cabdulle

Khilaaf ka taagan xilka qaadista lagu sameeyay Gaashaanle Sare Maxamed Daahir Cabdulle
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | 21 November 2017 –Taliyihii Ciidanka Booliska Qaybta Galbeed Gaashaanle Sare Maxamed Daahir Cabdulle ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay, kadib khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska ahna Ku simaha Taliyaha ciidanka Booliska General Muqtaar Xuseen Afrax.

Xilka laga qaaday Maxamed Daahir Cabdulle, ayaa waxaa loo dhiibay Qaasim Axmed Rooble oo horay u ahaa Afhayeenka ciidanka Booliska Somaliya.

Sababta xilka looga qaaday Maxamed Daahir Cabdulle, ayaa waxa ay tahay inay  isku dhaceen Ku simaha Taliyaha ciidanka Booliska Somaliya.

Maxamed Daahir ayaa sameeyay amar diido ku aadan shaqo loo diray, wuxuuna iska diiday fulinta amarka Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, taasi oo soo dedejisay xil ka qaadista lagu sameeyay.

Qaasim Axmed Rooble, ayaa shalay si rasmi ah loogu wareejiyay xilkaan, wuxuuna hoggaamin doonaa hawlaha Booliska ee Degmooyinka qaybta Galbeed ee Gobolka Banaadir.

Ku simaha Taliyaha Booliska ahna Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska General Muqtaar Xuseen Afrax, ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay shaqsi amar badan, islamarkaana Saraakiisha ciidanka Booliska aysan aad u jecleyn.

Ninka xilka laga qaaday ayaa la sheegay inuu ka soo horjeestay xilka qaadistiisa, wuxuuna haatan latashiyo la leeyahay odayaasha Beesha uu ka soo jeedo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment