2226 Views

Mareykanka oo Ciidamadiisii ugu badnaa ku soo daabulaya Somaliya.

Mareykanka oo Ciidamadiisii ugu badnaa ku soo daabulaya Somaliya.
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | 21 November 2017 – Dowladda Mareykanka ayaa laba jibaartay ciidamada ka joogga Soomaaliya  ee dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo sidoo kale kooxda dowladda Islaamka Faraceeda ku sugan Buuraleyda Galgala ee maamul goboleedka Puntland.

Saraakiil Sar sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ee joogga Soomaaliya la gaarsiiyay  Meeshii ugu sareysay .

Waxa ay sidoo kale sheegeen in Ciidamada dowladda Mareykanka Howlgallada ay ka fuliyaan Soomaaliya in ay noqdeen kuwo badankood guuleystay.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ku dhawaad 500 oo askari la gaarsiiyay sanadkaan Ciidamadeeda howlgallada gaarka ah ka fuliya Soomaaliya.

Warbixin laga soo xigtay Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka uu balaariyay Qorshaha dagaalka ee Kooxaha Argagixisadda ah ee ku sugan Geeska Afrika.

Dowladda Mareykanka ayaa bilihii lasoo dhaafay si weyn u xoojisay howlgallada ay ka fuliso Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Bishaan ay fulisay in ka badan 5 Weerar  saddex ka mid ah ay dhaceen 24 saac gudahooda.

Mareykanka ayaa horay u sheegay in ay ka go’an tahay dagaalka Kooxda Daacish ee ku sugan degaanada maamulka Puntland iyo Al-Shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment