2937 Views

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Madaxda Ahlu Sunna oo Nairobi ku Kulmay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Madaxda Ahlu Sunna oo Nairobi ku Kulmay.
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | 21 November 2017 –Kulankaan oo ka dhacay Magaalada Magaalada Nairobe waxa uu dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo Madaxda maamulka Ahlu Sunna sida: Macallin Maxamuud Shiikh Xasan Faarax oo ah Gudoomiyaha Guud ee Maamulka Ahlu Sunna iyo Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha Maamulka Gobolada dhexe ee Ahlu Sunna.

Inta kulanka uu socday Labada dhinac ayaa isku Soo Hadal Qaaday dib u bilaabista Wada hadalada ay gar wadeynta ka tahay Dowladda Federaalka ee Galmudug iyo Ahu Sunna u dhaxeeya, si ay u Midoobaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qoraal soo dhigay Bartiisa ayaa sheegay in uu kala hadlay Labadaan Mas’uul Marxaladda Siyaasadda iyo Dib u heshiinta Si gaar ah iiba Goballada Dhexe.

Dhanka Ahlu Sunna ayuu iyane ka Dhageystay sida loo Hano Qaadi karo wada hadalada, iyo kaalinta ay ka qaadan karaan dhankooda.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlu Sunna ayaa Mustaqbal u sheegay in labada Dhinac ay isku afgarteen dib loo bilaabo Wada hadalada Dowladda Federaalka ay Gar wadeenka ka tahay ee dhex maraya Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa kamid ahaa Guddigii wadahadal siinaye Galmudug iyo Ahlu Sunna, inkastoo Markii Dambe Maamulka Ahlu Sunna Hogaankoodu sheegeen in Wada hadaladii ay Bur-bureen sababo la xiriira Fara galin ay ku sameysay Dowladda Federaalka.

Lama Shaacin Waqti rasmi ah oo uu u bilaabanayo Wadahadalada labada Dhinac, waxaana Magaalada Nairobi oo madaxda Ahlu Sunna ku sugan yihiin ka dhacay Shir ay urur Goboleedka IGAD ay ugu kala dab qaadayeen Galmudug iyo Ahlu Sunna.

iiiiii

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment