2028 Views

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Oo Muqdisho Soo Gaaray

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Oo Muqdisho Soo Gaaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  23 November, 2017 —Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa barkhanimadii maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaaanka Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in maalinta Sabtida ay soo socoto Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti uu khudbad u jeedin doono Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waxa uu Xildhibaanada kula dardaarmay iney soo xaadiraan kulanka Sabtiga oo noqon doono sida Guddoomiye (Jawaari) uu sheegay kulan aan caadi ahayn.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho waxa uu la kulmi doonaa madaxda sare ee dowladda, waxa uuna booqan doonaa Xarumaha ay ku shaqeeyaan labada Golle ee Baarlamaanka.

 

llllll

000000

iiiiiu

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment