2265 Views

Imaaraadka Oo Sheegay In Saldhigga Militari ee Berbera Ladhameynayo Juun

Imaaraadka Oo Sheegay In Saldhigga Militari ee Berbera Ladhameynayo Juun
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  23 November, 2017 —Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in uu billowday dhismaha Saldhigga Milatari ee Dowladda Imaaraadka ka dhiseyso Magaalada Berbera ee Maamulka Somaliland.

Sharikadda DMC, oo laga leeyahay Imaaraadka ayaa ku guuleysatay qandaraaska dhismaha Saldhigga Milatariga Imaaraadka ee Magaalada Berbera.

Cabdalla Darwiish oo ah maamulaha Sharikadda DMC,ayaa sheegay in $90 Milyan oo Doollarka Mareykanka ay ku qabaneyso sharikaddooda dhismahan  Saldhigga Milatari oo ay tartankiisa ku soo baxeen.

Waxaa uu intaas ku daray in marka la gaaro Bisha Juun ee Sanadka 2018,ay gaba gabeynayaan dhismaha Saldhigga Milatariga Immaaraadka ee Magaalada Berbera.

Darwsiish ayaa sheegay in aas aaska saldhigga ay billaabeen kaddib markii Bishii April ee Sanadkan 2017ka ay ku guuleysteen qandaraaska dhismaha Garoonka Milatariga Imaaraadka ee Magaalada Berbera.

Berbera waxaa ay 160km u jirtaa Magaalada Cadan ee Koofurta Dalka Yemen,halkaas oo Ciidamada Imaaraadka ee qeybta ka ah howlgalka uu Sucuudiga hoggaaminayo ay kula dagaallamayaan Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Qaaciddada Koofurta Dalkaase Yemen ka dagaallanta.

Darwiish waxaa uu xusay in ballaca Garoonka Milatariga uu noqonayo 300Mitir islamarkaana uusan ka fogeyn Dekadda Magaalada Berbera ee iyaduna ay qandaraaskiisa qaadatay Sharikadda Dubai Ports ee Dalka Imaaraadka Carabta.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment