4245 Views

Maamul Goboleedyada oo Aqalka sare ka dalbaday iney diidaan ansixinta Sharciyada soo maray Golaha Shacabka.

Maamul Goboleedyada oo Aqalka sare ka dalbaday iney diidaan ansixinta Sharciyada soo maray Golaha Shacabka.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  23 November, 2017 —Gudoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ahna Madaxweynaha Maamulka Puntland, ayaa soo saaray qoraal cabasho ah oo ay ku dalabanayaan in la hakiyo ansixinta hindise sharciyeedyada horyaala Baarlamaanka Somaliya

Golahan ayaa sheegay iney jiraan hindise sharciyeedyo dhowr ah oo horyaala baarlamaanka qaarkood la ansixiyay iyadoon lagala tashan Dowladd goboleedyada, hadana kuwo kale la qorsheynayo ansixintooda taasoo ka hor imaneysa heshiiskii 5tii bishan ay Muqdisho ku kala saxiixdeen Dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada

Warqada ka soo baxday Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, oo ku taariikheysan 14-kii Bishan ayaa lagu soo qaatay hindise sharicyeedkii udanbeeyay ee ansixiyeen Golaha shacabka ee ahaa Biyaha, waxa ay talo ahaan usoo jeediyeen Aqalka sare iney iska diidaan meel marinta Hindise sharciyeedyada kahor inta aan faafinta rasmiga ah ku soo saarin Madaxweyne Farmaajo

Si kastaba qoraalka Madaxda Maamul Gooleedyada ayaa imanayo iyadoo shalay Wasiirka amniga Baarlamaanka u akhriyay Hindise sharciyeedyada la dagaalanka argagixisada iyo kan xakameynta hubka oo dood kadib cid loo qaadi doono

Aqriso War Saxaafadeedka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboledyada:

UUUUUK

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment