4662 Views

Sawiro:–Guddoomiy Taabit oo la kulmay Safiirka Turkiga Ee Soomaaliya

Sawiro:–Guddoomiy Taabit oo la kulmay Safiirka Turkiga Ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  23 November, 2017 —Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaaliya Olgan Bekar.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay horumarinta Caasimadda Muqdisho iyo sida ay iskula shaqeyn lahaayeen, islmarkaana ay isaga kaashan lahaayeen waxqabadkooda ku aadan casriyeynta Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Shirka Degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa shalay gelinkii dambe lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Shirkaan ayaa waxaa shir Gudoominayay Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Benaadir Dhanka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Saalax Sh Maxamed, Waxaana Goob joog Ka ahaa ku Xigeenada Maamulka Gobolka Benaadir, Xoghayaha Guud Subeyda Maxamed Mukhtaar iyo Gudoomiyasha 17 Degmo ee Gobolka Benaadir.

Shirka waxaa looga hadlay Dardargalinta Amniga Nadaafada iyo sidii loo hormarin lahaa Magaalada Muqdisho sida Dib u dhiska Wadooyinka.

1 a2 a3

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment